Home Blog

England: Dadka jira 50 ilaa 70 ayaa lagula talinayaa inay u fiican tahay inay shaqeeyaan

0

Sarkaal sare ee caafimaadka ayaa ku baaqday in dadka da’dooda tahay 50 ilaa 70 ay sii wadaan shaqada si ay caafimaad u helaan.

Warbixin cusub oo soo baxday oo ku saabsan caafimaadka dadka dhashay inta u dhaxaysa 1946 ilaa 1964, ayay Prof Dame Sally Davies, ku sheegtay faa’iidada caafimaad ee jir iyo mid maskax ee laga helo shaqada.

Waxay sheegtay shaqada inay caawiso dadka inay dareemaan inay wax ku guulaysteen ooaysan cidlo ahayn.

33% dadka Britishka ah ee shaqeeya ayaa ka waynaan doona 50 sanadka markuu yahay 2020.

Prof Davies ayaa sheegtay : “Dadka ayaa noolaanaya waqti dheer, sidaas darteed shaqo gabida ayaa u keenaysa fursad dadka da’dan ah inay noqdaan dad qabta shaqo badan.

” Dadka badankood waxay u tahay fursad ay ku qabtaan shaqooyin adag, ma aha sidii ay awal ahaan jirtay oo aan wax badan la qaban jirin.

” Inaad shaqada wado, ama aad samayso iskaa wax u qabso, ama aad ku biirtid kooxo bulshada, ayaa suurto galinaysa dadka inay ka shaqaysiiyaan maskaxdooda iyo jirkooda.

” Faa’iidada laga helayo waa inaan la yaraysan.”

Older couple walking their dogLahaanshaha sawirkaTHINKSTOCK

Maxay yihiin dadkan jira 50 ilaa 70?

Waxay dhasheen ilaa 20 sano wixii ka danbeeyay dagaalkii labaad ee adduunka markii uu aad u kordhay tirada carruurta ee ay reerka ay dhalaan, waxayna hadda jiraan 50 ilaa 70 sano.

Dumarkan iyo raggan waqtigaas dhashay ayaa arkay isbadal badan noloshoodii.

Waxay koreen iyagoo aan haysan kombuter ama xitaa TV, laakiin waxay haysteen internet, mobile iyo baraha bulshada.

Waqtigan noloshooda, inay caafimaadkooda dhawraan, inay shaqeeyaan iyo inay bulshada ka mid ahaadaan ayaa muhiim ah si ay xiligan da’dooda ay u caafimaad qabaan.

Caafimaadka maskaxda iyo xiriir jacayl ayaa ah ‘furaha farxadda’

0

Caafimaadka maskaxda iyo inaad leedahay qof ku jecel ayaa dadka u keena farxad ka badan mida ay keento lacagta badan, ayay heshay daraasaad cusub.

Daraasaadka oo ay samaysay jaamacadda London School of Economics, ayaa eegtay jawaabihii 200,000 oo qof sida sababo kala duwan ay u saameeyeen farxadooda.

Farxad la’aanta ayaa ahayd waxa qof walba ugu dhibka badnaa, halka inay haystaan qof ay is jecel yihiin ay tahay waxa ugu badan ee keena farxadooda.

Richard Layard, oo wax ka qoray warbixinta ayaa sheegay in waxyaabaha lagu helay daraasaadka ay u baahan tahay in “dowladda ay qayb cusub ka qaadato”.

Daraasaadka ayaa ku salaysnaa dhowr daraasaad oo caalami ah.

Dadka jira 50 ilaa 70 oo lagula taliyay ‘inay shaqada u fiican tahay’

Prof Richard Layard, oo wax ka qoray warbixinta ayaa sheegay in waxa lagu helay daraasaadka ay u baahan tahay dowladda inay qayb cusub ka qaadato farxada bulshada , iyadoo xooga saaraysa inay samayso ” Waxa farxada u keena bulshada” halka ay ka samayso “Waxa lacagta u keena”.

Wuxuu intaa ku daray: “Cadaymaha ayaa sheegaya waxyaabaha dadka muhiimka u ah ee keena farxada iyo farxad la’aanta ayaa ah xiriirka dadka, caafimaadka maskaxda iyo jirka.

” Waqtigii hore, dowladda ayaa ku guulaysatay la dagaalanka saboolnimada, shaqo la’aanta, horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka jirka.

Laakiin waxaa sidoo kale muhiim ah hadda xadgudubyada ka dhaca guriga, xaalada caafimaad ee farxad la’aanta (depression and anxiety), qamro cabida badan iyo waxyaabo badan oo kale.

“Waxyaabahan oo dhan waa in diirada la saaraa.”

UK: NIN 55 TAN AH OO LA LA’YAHAY GURI UU SEEXDO, SAWIRRO

0

Matthew Crawford, oo 33 jir ah, ayaa shantii bilood ee la soo dhaafay ku jira Isbitaalka King’s Mill Hospital, ee Magaalada Nottinghamshire,waxaana culeyskiisu la egyahay dhagax dhan 55 tan.

Dhaqaatiirta Isbitaalka waxaa ay sheegayaan in Mr Crawford, uu u baahan yahay Afar Sariirood oo la isku dhejiyay,sidaas darteedna ay adagtahay in la helo.

Waxaa ay sheegeen in Caafimaadkiisa uu soo hagaagay,loona baahanyahay in Isbitaalka laga saaro,laakiin ay dooddu tahay xaggee la geynayaa ama gurigee ku jiri kartaa afar sariir oo isku dheggan?

Qoyskiisa iyo Dhaqaatiirta ayaa isku qabtay in uu Isbitaalka sii joogo,waxaana Dhaqaatiirta ay sheegeen in uu caqabad ku yahay Bukaannada kale ee Isbitaalka oo uu afar sariirood ka xayiray.

Hadda waxaa ay isku afgarteen in qol weyn oo ay galeyso Afar Sariirood oo isku dheggan looga sameeyo qeyb ka mid ah Isbitaalka.

Crawford should be moved to make room in the hospital, the source said

 His mother Linda Belshaw claimed a deal is being arranged for him to leave the hospital

Matthew Crawford (pictured), occupies a four-bed hospital bay in Nottinghamshire 

https://pbs.twimg.com/card_img/1048468207638650880/

Lixdan jirka jirdhiska ku caafimaaday

0

Jirdhiska waxaa caan ku ah dhalinyarada, balse ka waran qof 60 jir ah oo noloshiisii aanan samaynin wax jimicsi ah ama jirdhis ah ?

Graham Ward waa nin 60 jir ah , waxaana laga heley xanuunka macaanka isaga oo da’daas ah, kaasi oo uu ka qaaday sanado uu cunayay cunto badan iyo shaqo murug miiran ah

In cudurkan lagu sheegay waxa ay u ahayd fariin qeylo dhaan ah oo hurdada ka toosisey, waxaana arrinka oga sii daray xaaskiisa oo markii horeba sii xanuunsanayd, una baahnayd caawintiisa.

Graham kaligiis ma ahan, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wasaaradda caafimaadka UK, 42% boqolkiiba ragga da’doodu u dhaxayso 45 illaa 64 waxa ay qabaan xanuuno kala duwan sida macaanka ama wadne xanuunka.

Warbixinta waxa ay dadka ku dhiirogalineysaa in ay dadka sameeyaan jimicsi joogto ah si caafimaadkooda uu wax badan isaga badalo.

Graham ayaa ka mid ah dadka taladaas qaatay, wuxuuna gabi ahaanba badalay noloshiisa sidii ay ahayd markii hore.

“Dharka waxa ay igu ahaayeen ciriiri, waxaanan markasta maqlayay sida cayilnaanta ay ugu darantahay caafimaadkayga” ayuu yiri Graham.

Graham iyo XaaskiisaLahaanshaha sawirkaSUPPLIED
Image captionGraham waxa uu ahaa nin cayil dartiis uu dharka ku yaraado

Waxa uu sheegay in uu ku qasbanaaday in uu wajoho xaqiiqda, isaga oo yiri “Marka uu qof hortaada taaganyahay, ee uu ku leeyahay waakan waa adigii, waa ay adagtahay in aad iska qariso”.

Waxa uu bilaabay socod joogto ah iyo in uu buuraha fuulo, isaga oo waliba dhibsanaya, sababtoo ah dhaqtarkiisa ayaa ku waaniyay in uu ku biiro koox dad ah oo socod sameeya

Wuxuu lugeeyey masaafo dhan 1.9 mile, wuxuuna sheegay in ay ka baxday cabsidii oo dhan, isaga oo markii dambe socodkiisa gaarsiiyey 5 mile.

Waxa uu isticmaalayay mashiin yar oo u tirakoobta talaabooyinkiisa, waxaana looga baahnaa 100,000 talaabo maalin kasta.

Waxaa markii dambe biloowday in culeeskiisa uu aad isu dhimo, wuxuuna socdaa illaa 150,000 talaabo.

Muddo ka dib Graham waxa uu socon jirey masaafo dhan 8 kmLahaanshaha sawirkaSUPPLIED
Image captionMuddo ka dib Graham waxa uu socon jirey masaafo dhan 8 km

Jir ahaan oo kaliya ma ahan isbadalka ku dhacay Graham, ee sidoo kale caafimaad ahaan xitaa .

Marka uu la ciyaarayo caruurta uu awoowaha u yahay waxa uu sheegay in ay iyaga ka hor daalaan.

Tani waxa ay muujinaysaa in mararka qaarkood caafimaadka uusan kaliya ku jirin dawada, ee sidoo kale ay tahay hab nololeedkaada iyo cuntada aad cunto, waxaana mararka qaar lagama maarmaan ah in aad qaado talaabooyin adag.

‘Afartii qof ee aan jimicsi samayn mid ayaa khatar ku jira’ WHO

0

Khubarada dhinaca caafimaadka ayaa walaac ka muujisay in wax aad u yar laga qabtay sidii loo yarayn lahaa saameynta ka dhalata dhaqdhaqaaq la’aanta ama jimicsiga ku yar dadka ku nool caalamka.

War bixin ay soo saartay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa lagu qiyaasay in afar meelood hal meel oo ka mid ah dadka dunida – oo ah tiro dhan 1.4 bilyan oo ruux aysan samaynin jimicsi ku filan, tiradan ayaana sare u sii kacaysay tan iyo sannadkii 2001-dii.

Qiyaastan ayaa ka dhigan in guud ahaan dadka caalamka afartii qofba mid ka mid ah uu ku jiro halis dhimasho.

Dhaqdhaqaaq la’aanta ayaa sababta in dadka ay soo wajahaan xaalado caafimaad darro sida iney qofka ku dhacaan cudurrada wadnaha, nooca labaad ee cudurka macaanka ama sokorowga iyo noocyo ka mid ah cudurka cancer-ka.

Dalalka uu soo galo dhaqaalaha badan oo uu ka mid yahay Ingiriiska ayey dadkooda yihiin kuwa ugu badan ee aan dhaqdhaqaaqa samaynin.

Sidoo kale haweenka caalamka oo idil ayaa loo aqoonsaday iney yihiin kuwo ka jimicsi yar raga.

Noocyada jimicsiga ee caafimaad-qabka lehLahaanshaha sawirkaPUBLIC HEALTH ENGLAND
Image captionNoocyada jimicsiga ee caafimaad-qabka leh

Walaac aad u weyn

Cilmi baareyaasha hay’adda caafimaadka adduunka ee (WHO) ayaa macluumaadkan ku saleeyay xog laga uruuriyay ilaa 168 waddan oo dadkooda ay si shakhsi ahaan ah uga warramayeen xaaladahooda.

Khubarada ayaa ogaaday in waddamada dhaqaalahoodu sarreeyo, sida ingiriiska iyo Mareykanka, ay shacabkoodu khatarta ugu badan ugu jiraan saameynta ba’an ee ka dhalata dhaqdhaqaaq la’aanta.

Waddamada kale ee safka hore uga jira liiska jimicsi la’aanta waxaa ka mid ah Jarmalka iyo New Zealand.

WHO ayaa sheegtay in jimicsi la’aanta ay hadda noqotay dilaaga cusub ee bani’aadanka, maadaama ay dad fara badan ka dhaxleen cudurro aan la daaweyn Karin.

Waxa ay sidoo kale saameyn ballaaran ku yeelatay wakhtiga uu qofku noolaan karo, waxaana la sheegayaa in ay keeneyso cimri deg deg aad u u heer sarreeya.

Haweenka ayaa si guud uga dhaqdhaqaaq yar ragga marka la eego dhammaan dalalka laga sameeyay daraasaddan.

Hase ahaatee dalalka ku yaalla Bariga iyo Koonfurta-bari ee qaaradda Aasiya ayaa si weyn uga duwan, dhanka dhaqdhaqaaqana uga fiican waddamada kale ee ku yaalla Koonfurta Aasiya, Bartamaha Aasiya, Bariga dhexe iyo Waqooyiga Africa.

.Lahaanshaha sawirka.
Image caption.

Dr Regina Guthold, oo hogaamineysay daraasadda WHO ayaa tiri “Marka laga soo tago khataraha caafimaad ee kale ee adduunka ka jira, wali wax hoos u dhac ah lagama arko dhibaatooyinka ka dhasha dhaqdhaqaaq la’aanta”

“Gobollada uu ku sii kordhayo xaddiga jimicsi la’aanta jirka ayaa nagu abuuraya walaac weyn oo ku aaddan iney soo food saaraan cudurro aan daawo lahayn.”

Dr Fiona Bull, oo iyadana ka mid ah khubarada daraasaddan qortay ayaa sheegtay in caqabado badan lagala kulmayo sidii meesha looga saari lahaa farqiga jimicsi ee u dhaxeeya raga iyo dumarka.

Dr Cali Macow Aweys oo BBC-da ay arrintaan ka wareysatay ayaa sheegay in cudurro fara badan oo halis ah ay ka abuurmaan jimicsi la’aanta.

“looma baahna in ay dadka iska fadhiyaan mar kasta waana in ay cunaan raashin nafaqo leh” ayuu yiri Dr Aweys.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Dhaqdhaqaaq la’aanta waxay sababtaa in aysan murqaha qofka shaqeynin ka dibna waxaa meesha soo gala cudurro halis ah oo ku dhaca kalyaha, beerka, wadna waxaana xitaa ka dhalan kara cudurka Kansarka”.

Dr Macow ayaa intaas ku daray in cudurka Sokorowga uu ka dhasho dhaqdhaqaaq la’aanta, balse dadku aysan intooda badan fahansaneyn.

Talooyin jimicsi oo loogu tala galay dadka ay da’dooda u dhaxeyso 19-64 sano.

  • Isbuucii samee ugu yaraan 150 daqiiqo oo jimicsi fudud ah ama 75 daqiiqo oo jimicsi culus ah.
  • samee jimicsiyo xoog leh oo qaata labo maalmood ama ka badan isbuucii, kuwaasoo kala furfuraya murqaha.
  • Iska jooji fadhiga badan, baddalkiisana gali dhaqdhaqaaqyo sahlan.

Waa maxay Jimicsi fudud?

  • Socodka oo la boobsiiyo.
  • Dabaasha.
  • In baaskiil lagu kaxeeyo dhul siman iyo dhul xoogaa kor u kacsan.
  • Ciyaarta tennis-ka.
  • Buur fuulitaanka.
  • Kubadda kolayga.
  • Iyo noocyada kale ee ciyaaraha fudud.

Maxaa ka mid ah jimicsiyada culus?

  • Rucleynta ama orodka.
  • Dabaasha deg degga ah.
  • In baaskiil loo kexeeyo si xawaare dheer ama in dalcad la saaro.
  • Tennis-ka halka ruux.
  • Kubadda cagta.
  • Kubadda Rugby-ga.
  • Iyo noocyada kale ee ciyaaraha adag.

Dalalka ay dhaqdhaqaaq la’aanta heerka ugu sarreeya ka joogto ayaa kala ah:

  • Kuwait 67%
  • Sacuudiga 53%
  • Ciraaq 52%

Dalalka ugu hooseeya ee dhaqdhaqaaqooda uusan heer xun joogin waxaa ka mid ah:

  • Uganda and Mozambique 6%

Khubarada ayaa dowladaha dalalkaas ku boorriyay iney dadaallo u sameeyaan sidii halistaas wax looga qaban lahaa.

Dr Melody Ding oo ka tirsan jaamacadda Sydney, oo isagu aan daraasaddan ka qeyb qaadannin ayaa sheegay in diiradda la saaray sare u qaadista dhaqaalaha, ayna taasi baddashay hannaanka nolosha.

Dr Mike Brannan oo hogaamiya hay’adaha u dhaqdhaqaaqa jimicsiga dadweynaha ee dalka Ingiriiska ayaa isagana ka dhawaajiyay in natiijada laga soo saaray daraasaddan ay muujineyso sida loogu jiro khatarta.

Shaqsiyaadka loogu qadarinta badan yahay Mareykanka oo la shaaciyay

0

Michelle Obama Marwadii koobaad ee hore ee waddanka Mareykanka ayaa noqotay Haweeneyda loogu qadarinta badan dalka Mareykanka.

Michelle Obama  waxa ay soo afjartay 17 sanadood oo ay Hillary Clinton aheyd haweeneyda loogu qadarinta badan yahay waddankaasi.

kaalinta labaad ayaa waxaa  gashay haweeneyda TV-ga wararka ka baahisa ee Oprah Winfrey.

Boqoradda Ingiriiska ayaa markii 50-aad waxa ay soo gashay 10-ka qof ee ugu sarreeya codbixinta sida ay Gallup sheegtay.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa sanadkii 11-aad ee xiriir ah waxa uu noqday ninka loogu qadarinta badan yahay. Madaxweyne Donald Trump ayaa markii afraad oo xiriir ah waxa uu soo galay kaalinta labaad.

Codbixinta ayaa waxaa la qabanayay sanadwalba tan iyo 1946 markii laga reebo 1976.

1,025 qof ayaa la waydiiyay inay magacaabaan ninka iyo haweeneyda dunidan ku nool ee ay qadarinta weyn u hayaan.

Haweeneyda loogu qadarinta badan yahay

  • Michelle Obama – 15%
  • Oprah Winfrey – 5%
  • Hillary Clinton – 4%
  • Melania Trump – 4%
  • Queen Elizabeth II – 2%

Ninka loogu qadarinta badan yahay

  • Barack Obama – 19%
  • Donald Trump – 13%
  • George W Bush – 2%
  • Pope Francis – 2%
  • Bill Gates 1%

HOOYO RAG KUFSANAAYEY GABADHEEDA DIL IYO DHAAWAC U GEYSATAY.

0

Hooyadaan geesiyada ah ayaa dishey  oo nafta dhaafisay  Zamile Siyeka oo ka mid ahaa Saddex nin kufsanayaayey gabadha ay dhashey halka ay dhaawac xun  gaarsiiday Zolisa Siyeka oo 24 sano jir ah iyo Mncedisi Vuba 31 sano jir ah.

Hooyadaan oo 57 jir u dhalatey Koofur Afrika ayaa 2 Mayl u odaray in ay badbaadiso gabadheeda oo 27 sano jir ah sidoo kalana ay ku hareereysan yihiin Saddex nin oo doonaayey in ay kufsadaan si xoog ah.

Hooyadaan ayaa gabadheeda casho guriga ugu diyaarineysay  ka hor inta uusa qof soo wicin una sheegin in Saddex nin ay gabadheeda si qasab ah ugu ka xeysteen dhisme xaafadeeda u jir masaafo dhan 2 Meyl.

Hooyada ayaa isku dayeysay in ay Booliska wargaliso balse markii ay weysay wax jawaab deg deg ah ayey horey u dhufsatay ama u qaadatay Middi jikada guriga taalay,waxa ayna si dhaqsaa horey ugu sii oroday goobtii gabadheeda loo ka xeystey oo masaafahaan u jirtay labbo meyl,markii ay goobtii u dhawaatey waxa ay maqashey Qeylada iyo Sawaxanka gabadheeda xooga lagu heysto.

Hooyada oo aan is ogeyn Middidana gacanta ku wadata ayaa u soo gashey Saddexda nin oo isku diyaarinaayey Kufsiga gabadheeda 27 sano jirka ah,waxa ayna si dhaqsaa u toogey mid ka mida ragii kufsanaayey gabadheeda waxa ayna dhaawac gaarsiiday labbadii nin oo kale,durbaba waxaa goobta soo gaarey qolyaha gurmadka deg gega ah waxa ayna goobta ka qaadeen ninkii meydka ahaa iyo labbadii dhawaca aheyd.

Hooyadii gabadha dhashey ayaa Ilmo farxadeed ka soo daadatay markamada horteeda ka dib markii labbadii nin ee dhaawaca aheed lagu xukumey min 30 sano oo xarig ah.

Celcelis ahaan maalin waliba waxaa ka dhaca dalka Koofur Afrika 110 kufsi waxaana lagu guul dareystay in wax laga qabto,balse dadka badankood ayaa hooyadaan ugu hambalyeynaa geesinimada ay ku soo badbaadisay gabadheeda.

Bedellada Caafimaad ee Ugu Habboon Ee Marka Ay Kugu Dhacdo Hurdo La’aan

0

Waxaa jira daraasado badan oo ku talinaya iney lagama maarmaan tahay in qofku uu helo 8-saacadood oo hurdo ah, haddii kalena ay ku dhacyaaan cudurrada nafta iyo kuwa jirka haleela.

Sidaas oo kale, caddeymaha la hayo waxey tilmaamayaan, dadka caadeystay iney 6-saacadood oo qura maalintii ka seexdaan waxey khatar ugu jiraan iney ku dhacaan cudurrada wadanaha, xidada dhiigga, buurnida iyo cudurka sonkorowga.

Laakiin, dadbadani waxaaney ogayn in baahiyaha hurdada ay dadku ku kala duwan yihiin dadku, waxaa dhici karta in la gaarsiiyo 12-saacadood marka aan eegno caruurta, waxeyna gaareysaa illaa 6-saacadood marka la eego dadka qaangaarka ah ee caafimaadka qaba, halka xilliga hurdada uu noqon karo waqtiyo kala duwan oo markiiba 90 daqiiqo laga seexanayo, xilliyada qaarna la soo kacayo, waa qeyb caadooyinka hurdada ka mid ah in la soo kaco, mar kasta oo da’du weynaato qeyb noloshaada ka mid ah ayay noqoneysaa in habeenkii aad marar badan soo kacdo.

Hadab, waxaa jira bedello badan oo hurdada habeenkii lagu kaabi karo una wanaagsan qofka waqtiga kooban habeenkii ka seeda, waa sida uu caddeynayo website-ka “Weforum.org“, waxaa ka mid ah:

Qayluulashada:

Waa xilli kooban oo hurdo ah oo saacad iyo labo noqon karta, duhurka kadib, aadanuhu waxey u janjeeraan iney wax qabad fiicaan sameeyaan waabariga, maalinta kala barkeeda awoodaasi hoos ayay usii dhacaysaa.

Qayluulashadu waxey ahayd caado ku faafsan adduunka oo dhan ka hor kacdoonka warshadaha, kacdoonka warshadaha ayaase markii dambe dadka ka dhigay kuwo xilli kasta soo jeeda si ay u shaqeeyaan.

Hurdo Waqtiyo kala googo’an:

In waqtiyo kala googo’an la seexdo nolol maalmeedka ayay ka mid ahay ka hor kacdoonkii warshadaha, waa sida ay taariikhdu sheegayso, qaabkan waa in qofku marka hore uu seexdo Afar saacadood iyo bar saddex waqti oo mid kastaa uu yahay 90 daqiiqo, waxa uu soo jeedaya saacad iyo labo, kadib qofku mar kale ayuu seexanayaa muddo 3 saacadood ah.

Bilaha xagaaga, Yurubta waqooyiga waxey hurdi jireen 9 ilaa 10 saacadood, iyagoo 3 saacood saqbarka habeenkii ka mid ah soo jeedaya, maadaama uu furaashku ahaa meesha ugu raqiisan ee qofku uu dugaal ka heli karo uu qabowga ka galo.

Haddii aaney kuu suurogalin inaad seexato 100%, wax welwel ah ha is gelin, waxaad ogaataa in qof walbaa uu seexdo kolba sida ay tamartiisu tahay, cilmi-baarayaashu daraaso ay sameeyeen waxey ka soo saareen jadwal, waxeyna hurdada u sameeyeen jadwal; waxaa ka mid ah in saacad kasata aad 20-daqiiqo ka seexato ama 3 saacadoodba aad saacad seexato ama aad 28 saacadoodba aad ka seexato 10-saacadood.

Sidaas oo kale, cilmi-baarayaashu waxey gaareen in waqtiga ugu fiican ee la seexan karaa uu yahay marka heerkulka jirkeennu uu marayo halka ugu hooseeya, qofkana ay habboon tahay inuu seexdo mar kasta oo ay fursaddu u saamaxdo inuu sariirta aado.

HOOYO LAGU EEDEEYEY IN AY DISHEY GABAR YAR OO AY DHASHEY.

0

Hooyadaan  oo ku nool dalka Mareykanka ayaa lagu eedeeyey in ay toogatey gabar yar oo ay dhashey xili gabeedo ay waceysay Booliska degmada si ay ugu sheegto dhibaato xaafada ka heysatay.

Svetlana Laurel oo 52 sanno jir ah ayaa xabsiga loo taxaabey iyada oo loo heysto dilka gabadheeda 14 sano jir,Gabadhada ayar ayaa booliska u sheegtey ka hor inta aan latoogan in Aabbeheed iyo hooyadeed is ku heystaan Jaranjarada guriga balse gabadhu intii ay warka u waday booliska waxaa madaxa ka toogtay hooyadeed oo xaalad waali ah ku jirtay.

Hooyada ayaa inta aysan dilin gabadheeda waxa ay Bistoolad ku heysay Aabbaha gabadha oo ay mar hore kala tageen, waxa ayna ku qeylineysay “Nolosheyda waad dhibtay waa inaan ku dillaa”,gabadha yar oo arkeysay Bistoolada iyo buuqa walidkeed ayaa ku oroday Taleefanka waxa ayna si dhaqsaa ku wacday booliska si ay ugu wargaliso dagaalka xaafadeeda ka socda.

Hooyada oo aragtey in gabadha yari ay waceyso Boosilka waxa ay madaxa uga toogatey bistooladii ay ku dili rabtey Aabba dhaley gabadha yar.

Booliska maqlaayey hooyada oo leh “ma boolis ayaad waceysaa?,iyo dhawaqa rasaasta lagu diley gabadha, ayaa goobta soo gaarey waxa ayn kaxeysteen hooyadii dilka geysatay.

101 Kufsi ayaa Sannadkan 2018 ka Dhacay Guud ahaan Somaliland

0

Ciidamada booliska Somaliland ayaa maanta soo bandhigay tirakoobka falal-dambiyeedyadii sannadkan (2018) ka dhacay guud ahaan Somaliland iyo tirada dilalka ka dhacay.

Ilaa 19,664 dhacdo ayaa la sheegay inay ka dhaceen guud ahaan Somaliland sannadkan 2018-ka, kuwaasi 61 kamid ah ay yihiin Dil, halka 101 kamid ah dambiyadaasna ay yihiin Kufsiyo.

Falalka dilka ayaa loo qabtay 55 eedaysane halka la raadinayo 5 ruux oo kale, sidoo kale falalka kufsiga ayaa loo qabtay 87 eedaysane hase ahaatee waxaa ku eedaysan falalka kufsiga 105 ruux kuwaasi oo uu ku jiro kufsi wadareed.

Falalka kufsiyada ayaa hoos u dhacay marka la barbar dhigo sannadkii hore iyadoo ay sannadkii hore dhaceen 108 kufsi sida ay boolisku sheegeen.

Dhinaca kale, boolisku waxay sheegeen in sannadkan ay Somaliland ka dhaceen 3,457 shil kuwaasi oo ay ku dhinteen 161 ruux waxaana ku dhaawacmay 2,255 ruux.

Booliska Somaliland ayaa  xusayay sannad guuradii 25aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay ciidankaasi.