Home Blog Page 2

Wariye 44 sano xaaskiisa oo kaliya ay dhageysan jirtay

0

Deke Duncan oo ah 73 jir farsame yaqaan ah, una dhashay dalka Ingiriiska ayaa muddo hadda laga jooo 44 sanno waxaa uu sameystay idaacad ay dhageysan jirtay xaaskiisa oo keliya.

Ninkan oo intaas oo sano aanan heysan dhagestayaal kale oo ku taxan barnaamijyadiisa ayaa haatan isu diyaarinaya in uu ballaariyo dhageeysteyaashiisa, waxaana uu raadiyahiisa ka baahin jiray barnaamijyo madadaalo ah.

Beer uu leeyahay Deke oo ku taalla magaalada Stevenage ayuu na ka bilaabay raadiyaha, oo uu ka ciyaari jiray codad uu duubay.

Deke ayaa barnaamijka BBC raadiyo 3 laga siiyay barnaamij gaar ah oo soconaya muddo hal saac ah, loogu na tala galay dhamaadka sanadkaan 2018-ka.

Mr Duncan ayaa sheegay in hamigiisa raadihaya uu biloowday sanadkii 1960-dii, kadib markii uu dhageysan jiray raadiye lagu magacaabi jiray Caroline, waxaana intaa kadib uu sameystay Radio 77 oo agabkiisa laga soo iibiyay dalka Mareeykanka.

Hasayeeshee raadiyehiisa ma uusan lahayn shati uu ku howgalo, sidaa darteed na waxa ay danta ku khasabtay in uu qolkiisa dhigto sameecadaha oo ay dhageysato xaaskiisa Teresa oo keliya. Ninkan ayaa dhamaadka toddobadkasta soo tabin jiray barnaamijyo aan kala go’ lahayn.

Deke ayaa ilaa iyo haatan waxa uu wali soo tebiyaa barnaamijka Radio 77 oo xaskiisa oo kaliya ay dhageesato. Hamiga ninkan uu u hayo tabinta raadiyaha ayaa qabsatay dhamaan warbaahinda dalka Ingiriiska oo ay ka mid tahay BBC-da, waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in sidaan looga hadal hayo warbaahinta dalkiisa.

XIRIIRKA U DHEXEEYA SADDAQADA IYO LIIBAANTA OO LA HELAY!

0

Haddii aad macnaha Qur’aanka taqaan ama aad aqriso  waxa aad ogtahay in xukunka sharciga ah ee ugu dheer ee qur’aanku kahadlo uu yahay Aayadda Deynta iyo sida loo maareynayo kusaabsan,  waana Aayadda Qur’aanka ugu dheer, balse  dhowr meelood oo kala duwan ayuu Qur’aanku ugu hadlay Deeqada ama saddaqada, waxa  uu 3-5 bog  uga hadlay Qur’aanku waxtarka saddaqada iyo wax quurku u leeyihiin qofka Adduunka iyo Aaqiradaba.

Tusaale ahaan Aayadda 262 ee Suuradda Baqara waxa uu Qur’aanku ku sheegay in Dadka hantidooda ku bixiya si dar Alle ah kaddibna aanraacina ama kudarin  wixii ay bixiyeen Sheegasho iyo dhib  ay Alle agtiisa ku leeyihiin Ajar Cabsi,  Murago iyo welwelna aanay arkeyn.

Dhinaca Cilmiga Sayniska culimadu waxa ay baarayaan daawada iyo xalka Welwelka, Murugada iyo Niyadjabka balse taas weli wax natiijo rasmi ah oo daweyn ah uma aanay helin, Mareykanka oo keli ah sida lagu sheegay tirakood lagu baahiyey Website-ka CNN ee Mareykan waxa jira 27 Milyan oo qof oo laga daweynayo dhibaato kadhalatay Welwelka, Murugada iyo Niyadjab, tiradaasi waxa ay kadhigan tahay 10%  tirada guud ee dadka Mareykanka, sababta ugu weyn ee mashaakilkan waxa ay qabaan culimada Islaamku in ay tahay ka fogaanshaha iyo go’idda xiriirka u dhexeeya qofka iyo Rabbigiisa.

Iyaga oo haddaba ay taas dabajoogaan waxa ay aqoon yahanka cilmiga saynisku isku dayeen in ay baaraan habab kale oo hadda kahor loo daweeyey adduunka oo dhan Welwelka, Murugada iyo Niyadjabka kudhaca Bani’aadamka, balse waxa cajiib noqotay in culimada Sayniska ee Mareykanku heleen natiijo kayaabisay oo ah in dadka hantidooda bixiya ee siiya dadka u baahan ay helaan niyad ahaan Farxad iyo liibaan kabadan midda uu helo qofka isaga oo dhibban ama baahan qaata lacagta ay dadkaasi bixiyaan.

Si haddaba ay u xaqiijiyaan jiritaanka arrintaas Waxa ay meel isugu geeyeen koox dad ah waxa ay marsiiyeen imtixaan tijaabo ah oo loo adeegsaday qalab ama aalad lagu magacaabo FMRI (Functional magnetic resonance imaging)

Functional magnetic resonance imaging

FMRI waxa uu qiyaas kabixinayaa shaqada iyo waxqabadka Maskaxda, waxa uu awoodaa in uu bannaanka keeno ama kusiiyo waxa kadhexdhacaya maskaxda, isaga oo habdhaqan gaar ah oo maskaxdu sameyneyso ka bixinaya natiijo, waxa ay qofba mar ka codsadeen in uu qof u baahan oo jidka ama agagaarkiisa jooga siiyo ama ugu deeq lacag ama wax kale oo fiican, kaddibna iyaga oo adeegsanaya qalabka FMRI (Functional magnetic resonance imaging) waxa sawirro kaqaadeen maskaxda dadka saddaqada bixinaya iyo kuwa u baahan ee qaadanaya

culimada Sayniska ee tijaabadan sameeyey waxa ay ogaadeen oo u soo baxday in maskaxda qofka deeqda ama saddaqada bixinaya ay soo deyneyso ama soosaareyso hoormoonka Liibaanta (Happiness hormones) kaas oo ka imaanaya meel kamid ah maskaxda oo ay u bixiyeen xarunta abaalgudka (Reward centre)

Hoormoonkaasi waxa uu yimaada marka aad qaadaneyso Abaalgud oo xarunta abaalgudka ee maskaxda ayaa firfircooni badan qaadaneysa kaddibna waxa ay soo deyneysaa hoormoonka Liibaanta sidaas awgeed farxad ayaa iyo raynrayn ayuu qofku helaya.

Sidaas awgeed mar walba oo aad Deeq ama Saddaqo bixiso xarunta abaalgudka ee Maskaxdaadu waxa ay soo deyneysaa hoormoonka Liibaanta, waxa aad heleysaa farxad, Liibaan iyo raynrayn kabadan tan uu helayo qofka baahan ee saddaqadaas qaadanaya.

Sidaas awgeed culimada Sayniska ee sameeyey tijaabadan waxa ay kula taliyeen dhammaan dadka qaba Niyadjabka, Cabsida, Welwelka iyo Murugadu in ay bixiyaan ama ay saddeqeystaan habaraatee Mood iyo Nool wixii ay heli karaan.

Tijaabada culimada Sayniska waxaa xaqiijiyey oo ay waafaqday Aayadda 274 ee Suuradda Baqara

Maxaa Ceeb Ka dhigay Gabar 50 Jir ah in ay Guursato wiil 22 jirka Maxaase Caadi Ka dhigay 90jir guursanaya 15 Jir Caruur ah

0

Arooska Soomaalida caado ahaan waxaa is guursada gayaanada is calmada ee isku dhigma da’ ahaan,   laakiin arooskan ka dhacey deegaanka Godinlaba waxa uu ahaa aroos ka duwan aroosyadii lagu arki jiray gudaha dadka Soomaalida, maadama ay aroosaddu arooska ka weyn ku dhawaad soddon sanno, dadka Soomaalida dhaxdooda nadir ka ahaa inuu guursado Caruuska Haween aad uga da’ weyn.

Waxa uu ahaa aroos ku soo dhamaaday guul iyo baraare kana dhacay Degmada Godinlabe bartamaha Dalka ee Gobalka Galgaduud, waxa ayna dadka deegaanka ay ku tilmaameen inuu ahaa arooskii  qarniga ee ka dhacay gayiga Soomaalida.

Faysal Daahir iyo Barni Cali xiriirkoodu ma’aanuu ahayn mid aad umuuqanayay maadaama gobalka iyo dhalinta asaagiisa uu aad ugu xishoonayay laakiin horay ayaa loo dhahay qufac iyo jecelkaba lama qarinkaraayo ee marqura ayay soo ifbaxaan, inay dhalinta deegaankana isla qaadeen in  fasal iyo barni yihiin lamaane ku nool deegaanka aadna isu jecel doonayana iney is-guursadaan.

Faysal ayaa ah wiil 22 sano jira halka Barni Cali ay jirto 52sano, waxa uu ahaa  aroos gilgilay Deegaanka hadalhayn ka abuuray baraha bulshada ee dadku kuwada xariiraan Gayiga Soomaalida

Sabtidii, 15 Decembar 2018-ka waxaa Deegaanka Godinlabe loo dareeray munaasabadda arooska Faysal iyo Barni oo ahaa lamanihii qarniga ee ugu hadalhaynta badnaa, waa sida ay tilmaameen dadka deegaanka ee ka soo qeybgalay arooska waxaa la arkayay in dhalinta ku nool Degaanka Ay midmid ugu tagayeen arooska oo marna layaab ku ahaa, xilli kalena uu saaxiibkood aqalgalkiisa ay u riyaaqayeen.

Cabdi Naasir Cali waxa uu ka mid yahay ehellada Faysal waxa uu ka hadlay sababa faysal ku ka liftay inuu guursado Barni oo ah haween aad uga da;weyn,  ayadoo uu heli karay gabdho filkiisa ah oo kula noolaa deegaanka.

“Majiraan cid kuu  qasabtay ayaga ayaa sheekeestay isna jeclaaday go’aansadayna iney is-guursadaan run ahaantii waxa kaliya oo aan sheegi karaa Faysal bilowgii bisha Decembar ayuu nagu wargeliyay inuu jecelyay Barni uuna doonayo inuu guursado haddii uuna helina ayna jirin gabar uu doonayo inuu guursado aniga Cabdinaasir ahaan aad ayaan ula yaabay markii uu ii sheegay inuu guursano barni lakiin waxaan isku qanciyay in walaalkay uu leeyahay dookh loona daayo dookhiisa oo loo tixgaliyo

Sidoo kale Cabdi Naasir waxa uu tilmamay in haweentu ay ku nooleyd deegaanka weligeedna uusan ku arag ama aysa usheegin iney jeceshahay ama ay rabto wiilka asaga ladhashay waxa ay qariyeen jecelkooda ilaaxad

Arooska faysal Daahir iyo Barni ayaa noqday mid aad looga hadal hayo baraha bulshada, iyadoo dadka qaar ay tilmaamayaan in baryihii dambe aroos noocan oo kale ah aan lagu arkin gayiga

Hello world!

1

Welcome to WordPress. This is your first post. Edit or delete it, then start writing!